indho qaawan.
Indhaha qaawani ma arki karaan qof asturan. Si walba oo gabadhu maryo qarinaya u xidhato, indhaha ninka way qaawan tahay. Sababtoo ah, garashada ninka ayaa qaawan, indhunna waxay sidaan sawirka maankiisa ku jira ee qaawan. Sidaas daraadeed, waa in caqliga surwaal looga tolaa oo cilmiga shaadh looga dhigaa. Haddii se, maro kaste oo ay xidhato qaawani ugu dhex muuqato, ma jirto sabab qaawanida lafteeda looga qariyo. Aragtida Najax Haaruun ee ah "maryuhu innama asturaan" waa tu aan aad ula dhacsanahay, sidda runta ahna, aad waaqica ka dhex arkayso. Gabadha xijaabka weyn xidhan ee tin iyo cidhib dadan, shaydaan baa dabadda iyo naasaha ka saaran oo ruxaya- lama aqbali karo qaabka jidhka gabadhu u abuuran yahay, ta foodadda iyo cabaayada xidhan waxbaa ka muuqda oo waa fidno, ta qoorteedu yar muuqatana waaba shar shaydaanka laga qabsado.
Farshaxanka Najax wuxu igu kalifay, markii koobaad, in aan sawir ku fakaro oo ka fakaro dulucdiisa. Waa waxa aan ku jeclahay fanaanka dhabta. Maxay tahay in uu qofka fanaanka ahi kugu biiriyo? Waxay ila tahay, midh su'aal ah haddii uu kugu biiriyo abbaal weyn buu ku gashaday.
Wax aan isku dayay in aan la sheekaysto farshaxanka Najax, in aan la fadhiisto oo warka ka guro, dabadeed, wixii ay sheegeen amma aan u maleeyay in ay ii sheegayaan dhigaal u baddelo. Waa baddweyn aan laga dhammaanaynin, halka u sukaysa ayaan ka darsaday oo saddex ka mid ah baan gaar ula sheekaystay.
Wejiga ii banee, maya, indhaha oo qudha, waxa iigu darran arraga! Damaqa feedhahayga, waxa iiga xanuun badan dahaadhka arragayga saaran, ma arko meel layga haysto, cidda i haysata iyo waxa ay igu haysato. Waan dilanay, yaa i dilay? Ma aqaan! Dibnahay daboolan, indhahay dagguugan, labo dhadhaab baan dhexdooda ku jiraa. Garashada qawsaarka, awooddaha dulmiga iyo, mugdiga indhahayga ayaan u magan ahay.
Caqliga iiga kac, inta aannan ku itaalaysan cadaadiska kursigaaga ee kugu foofarin. Aqbal xaqiiqada aad ogtahay, waa ta ah; in aynu bashar isku mid ah nahay! Laalaab khuraafaadkaaga- jeebka gasho amma iska qub, iga qarso. Isku qabo afka dhuranka badan ee cilmiga ka daya sidda xaydkayga loo maydho, ma tihid xafaayadda aan xidho. Maqal codka gabadha, dhegayso aragtideedda, ha anfariirrin, way fakartaa, sidda DADKA!
Ma ihi wax aad ii taqaano! Cadka bisil, caqliga qalooca, garashada liitada, walaxda galmada iyo shaqaalaha jajaban ee diidmada amarkaaga ku cadaab galaysa. Halkaa day, maxaa kuu muuqda? Naag daldalan! Haa, waa waxaad naagnimada u taqaanay, oo inta ay naf baxayso ee ay urta maydkeedda iska fogaynayso, gabadhii dhabta ahayd ku ag akhrinayso buug. Buuggii baray in ay qof tahay. Maxay tahay naagtan cusub ee buugga sidata? Ha baqan, waa naag dalka kula leh, talada ku leh, fursada kula leh, in ay hesho qaybteeddana aan kaa baryan! Waa naag jidhkeeda leh oo aadan u yeedhinaynin marada ay saarayso, waa naag caqligeedda leh oo aan marti kaaga ahayn sidda loo fakaro. Maaha weel, maaha cawro, maaha wixii aad taqaanay; way daddawday.





Qof naftisa ka xakamayn Karin adigu xakamayn maysid gabadhay!!!
Waa ashaqaraar qoraalkaga iyo aragtidaba halkaa ka wad.
waxaan ubaahanahay bulsho siman.